Qaybtan waxaa diiradda lagu saarayaa SIEM (Security Information and Event Management) iyo Log Correlation, kuwaas oo ah tiirarka ugu muhiimsan ee shaqada SOC Analyst-ka casriga ah.
Ujeeddadu waa in la fahmo sida loo ururiyo, loo mideeyo, loona falanqeeyo log-yada kala duwan ee ka imaanaya nidaamyo badan, si loo ogaado dhaqdhaqaaqyo amni oo halis ah ama isku xiran.
Waxaan baran doonnaa:
Aasaaska iyo qaab-dhismeedka Wazuh SIEM
Sida loo dejiyo, loo maamulo, loona isticmaalo Wazuh Manager iyo Agents
Habka loo sameeyo Log Collection, Correlation Rules, iyo Alerts
Ujeeddada qaybtaan waa in la dhiso xirfad adag oo ku saabsan log visibility, threat detection, iyo alert correlation, si loo xoojiyo awoodda SOC Analyst-ka ee ogaanshaha weerarrada isku dhafan.