Qaybtan waxay diiradda saareysaa fahamka guud ee Event Logs iyo sida ay muhiim ugu yihiin hawl maadmeed ka SOC (Security Operations Center).
Ujeeddadu waa in la fahmo sida logs-ku u shaqeeyaan, noocyada kala duwan ee ay leeyihiin, iyo sida ay u fududeeyaan ogaanshaha iyo falanqaynta dhacdooyinka amniga.
Waxaan baran doonaa:
Noocyada kala duwan ee Windows Event Logs iyo Linux Logs
Sida loo aqoonsado logs muhiim ah oo la xiriira dhacdooyinka amniga
Fahamka sida logs loogu kaydiyo, loo akhriyo, loona falanqeeyo
Tallaabooyinka ugu horreeya ee log collection iyo monitoring
Ujeeddada kan waa in la dhiso faham adag oo ku saabsan logs-ka kahor inta aanan u gudbin falanqaynta qotada dheer iyo detection-ka maalmihii xiga ee challenge-ka.